tirsdag, april 23, 2024

90% qaadkii soo gali jiray Norwey oo hoos u dhacay labadii sano ee ugu danbeeyay

Foto: tollvesenet

Hay-ada ilaalada xuduudaha wadankan Norwey(Tolldirektoratet) ayaa maanta soo saartay warbixin iyo tirokoob cusub oo ay kaga hadlayso daroogadii kala duwanayd ee lixdii bilood ee ugu horeysay sanadkan 2016, laga qabtay xuduudaha wadankan Norwey. Qaadka oo kamid ahaan jiray daroogooyinka ugu badnaa ee ilaalada xuduudaha Norwey ay qaban jireen, ayay hay-adu sheegtay in uu ku yimid hoos u dhac balaaran oo gaarayo ilaa 90%.  Sanadkii 2014 waxaa xuduudka Norwey laga qabtay  6640 kiilo oo qaad ah, halka lixdii bilood ugu horeysay sanadkana la qabtay 815 kiilo. Sababta ugu weyn ee arintan keentay ayay hay-adu ku tilmaantay, mamnuucadii qaadka laga mamnuucay wadamada Holand(2013) iyo U.K(2014), labadaas wadan oo ahaa labada meelood ee uu qaadka ugu badan kaga imaan jiray Norwey.  

Tolldirektoratet ayaa sidoo kale sheegtay in 75% qaadka ay ilaaladu hada qabtaan uu yahay mid lagu qabto garoonka diyaaradaha magaalada Oslo ee Gardermoen. Waxayna sheegtay in 88% qaadka Norwey hada soo galo uu yahay mid si toos ah looga keeno geeska Afrika, laguna soo tahriibiyo boorsooyinka rakaabka diyaaradaha. Qaadka laga qalajiyay ayay hay-adu sheegtay in uu ku yimid kor u dhac xad dhaaf, waxayna sheegeen in noocan qaadka ah oo ay ku baareen shaybaarkooda uu yahay mid ka awood badan qaadka caadiga ah.Qiimaha qaadka ayay sheegeen in uu kor u kacay labadii sano ee ugu danbeeyay. Waxay sheegeen in qaadku uu awal ahaan jiray 100 kr uu hada yahay 300 kr,  mararka qaarkood uuba gaaro ilaa 500 kr.

Wargayska Dagsavisen ayaa cadadkiisa maanta(7-7-2016) kusoo daabacay maqaal uu cinwaan uga dhigay (Khaten er borte). Maqaalkaas oo ay kaga hadlayaan hoos u dhaca weyn ee ku yimid isticmaalka iyo waliba soo galitaanka qaadka ee wadanka Norwey. Qaadka ayaa mudo badan ahaa waxyaabaha ugu badan ee jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey lagu caayo, marka ay saxaafada wadanka wax ka sheegayaan. Waxayna mar gaarsiiyeen heer ay dhahaan in ku dhawaad 50% raga soomaaliyeed ee wadankan ku nool ay qaadka cunaan. Laga soo bilaabo sanadkii 2014, oo ah markii qaadka ugu danbeyn laga mamnuucay wadanka U.K ayaa waxa yaraaday hadalheynta qaadka ee saxaafada Norwey. 

Xigasho: Dagsavisen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x