fredag, april 19, 2024

War deg-deg: Malik Yusuf oo laga cafiyay dilkii uu gaystay 15 sano kahor.

Bidix: Dacwad oogaha (Torstein Hevnskjel), Midig: Qareenka difaacayo(Hjallis Bakke)

Dhagaysiga dacwada ku saabsan danbiga loo haystay Malik Yusuf oo sanadkii 2001 mindi ku dilay wiil kale oo soomaali ah, ayaa lasoo afmeeray daqiiqado kahor. Kadib markii ay maxkamadu dhamaysay dhagaysiga qareenka difaacaya wiilkan iyo dacwad oogaha dowlada,  ayay xeerbeegtida maxkamadu qaateen kulan socday hal saac.  kaas oo ay ku go aansadeen in la cafiyo Malik, maadaama aysan kala saari karin in uu danbiga ula kac u gaystay iyo inuu isdifaac ku jiray marka uu dilka dhacayay, oo ahayd sanadkii 2001.

Waxayna tani noqonaysaa markii labaad oo ay maxkamadi cafiso Malik Yusuf, sanadkii 2002 ayay maxkamada darejada sadexaad ee gobalkaas isla danbigan ka cafisay Malik, iyaga oo sheegay in uu isdifaac ku jiray. Dacwad oogayaasha dowlada ayaa ka biyo diiday go aankaas, iyaga oo racfaan ka qaaday xukunka maxkamada. Balse afar maalin kahor inta aan la gudo galin dhagaysiga racfaanka dacwad oogayaasha ayuu Malik ka baxsaday Norwey, isaga oo bilowgii sanadkan laga soo qabtay wadanka Ingiriiska. 

Dacwad oogaha dowlada oo  hadal gaaban siiyay saxaafada, kadib marka uu dhacay xukunka, ayaa  sheegay inay baaritaan u diri doonaan xukunka xeerbeegtida maxkamada. 

Halkan ka akhri qoraaladii aan horey uga qornay dacwadan:

Wiil soomaali ah oo maxkamad loosoo taagayo dil uu ugaystay wiil kale oo soomaali ah 14 sano kahor

Malik Yusuf: waxaan ka cabsi qabay in aano qabiil darteed la iigu dilo Norwey

Malik Yusuf(wiil soomaali ah) oo loo xiray dil uu gaystay 14 sano kahor

 

Xigasho/Kilde: NRKVG

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x