Dhowrkii sano ee ugu danbeeyay waxaa wadankan Norwey aad ugu soo badanayay dhalinyarada soomaaliyeed ee ka shaqeysa baabuurta gaadiidka dadweynaha, sida tagaasida iyo basaska. Gaar ahaan waxay arintan aad uga muuqataa magaalooyinka waaweyn iyo garoomada diyaaradaha. Hadaba waxaa magaalada Hamarfest ee gobalka Finmark laysinka darawalnimada busaska dadweynaha helay Diini oo ah qofkii ugu horeeyay ee soomaali ah ee hela laysinka, isla markaana ku shaqo bilaabay.

Hamarfest oo ah magaalo kutaalo cirifka woqooyi ee aduunka, waa magaalo yar oo ay gabigeeduba taganyihiin dad gaaraya 10 000, ajaanibtuna aad ayay ugu yartahay, gaar ahaan soomaalida. Waana sababta keentay in uu warka diini noqdo mid ay dadka deegaankaas ku hadal hayaan baraha bulshada, iyaga oo ugu hambalyeynayo shaqadiisa cusub. Xarunta taakuleyn ajaaniibta ee Hamarfest ayaa ayadna diini ugu hambalyeysay shaqadan cusub, Sheegtayna inay ku faanayaan diini maadaama uu halkaas ku qaatay barnaamijka Introksjonprogramka.

 

Xigasho: Innvandrertjenesten

2
legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
1 Comment threads
1 Thread replies
0 Followers
 
Most reacted comment
Hottest comment thread
2 Comment authors
NorsomnewsKhadar Recent comment authors
  Subscribe  
newest oldest most voted
Notify of
Khadar
Guest
Khadar

Aswrwb. Salaanta Islaamka kadib, waad mahadsan tihiin dhamaan bahda Norsom. Intaas kadib waxaan idinku bogaadinayaa howsha aad uheysaan bulshada Soomaaliyeed, anigoo ah qof Soomaaliyeed ee kunoolaa in muddo ah Finnmark, horumarro badan oo lataaban karo ayay sameeyeen Soomaalida kunool gobolkaas, inbadan oodan maqlina ama aadan kawar heynina wey jiraan, dhalinyaro iyo bulsho isku duuban ayaa xaggaa kunool.