fredag, mars 29, 2024

Gabdhaha yar-yar oo inay gudanyihiin la baaro, iyada oo aan waalidkood la ogaysiin

FOTO: MIKAL LERØEN

Sanad walbe waxaa isbitaalada Norwey lagu baaraa tobonaan gabdho ajaaniib ah, oo la rabo in la ogaado inay gudanyihiin iyo inkale, iyaga oo aan lagala tashan ama aan ogolaansho la waydiisan waalidiinta dhalay ilmahaas. Arinta yaabka leh ayaa ah in baaritaankaas uusan kasoo bixin wax natiijo ah, maadaama inta badan gabdhaha la baaro ay yihiin kuwo aan la gudin, tirada yar ee gudana ay yihiin kuwo lasoo guday inta aysan wadanka soo galin kahor. Isbitaalada Norwey ayaa ayagana sheegayo in baaritaanadaas ay yihiin kuwo aan loo baahneyn in la sameeyo.

Waalidiinta ilmahooda la baaray iyaga oo aan la ogaysiin ayaa waxaa kamid ah aabe soomaali ah oo lagu magacaabo, Abdul Mohammed Ahmed. Isaga oo aan ogeyn ayaa gabadhiisa oo labo sano jir ah laga baaray inay gudantahay. Dhowr bilood kahor ayay telefoon kusoo waceen booliska Norwey, iyaga oo ogaysiinayo in gabadhoodii la baaray, kadib markii looga shakiyay inay gudantahay. Markii ay baaritaan ku sameeyeen gabadhaas yar ee labo sano jirka ah ayay ogaadeen inaysan gudneyn. Abdul oo waraysi siinayay Tvga qaranka Norwey ee NRK ayaa sheegay inay aad uga argagaxeen arintan, ayna ku cuslaatay dareen ahaan aqbalitaankeeda. Una arkeen arintan in maskaxiyan loo ciqaabayo iyaga.  

Abdul ayaa intaas ku daray in uu si weyn uga soo horjeedo gudniinka, uuna yahay mid caafimaad ahaan dhaawac keenayo. Lana aqbali karo inay dowladu baarto gabdhaha, laakiin sidee ayay u baaraysaa. gabadhayada oo la baarayo ayaanan waxbo ka ogeyn. Wuxuu intaas ku daray inuu dareensanyahay in shaki iyo takoor gaar ah lagu hayo dadka qaarkii.  Waxay ahayd inay nala hadlaan oo nagu kalsoonaadaan, hadii aysan dowladu aniga igu kalsooneyn, sidee ayaan iyaga ugu kalsoonaan karaa. Abdul ayaa hada ka saaray gabadhiisa barnehagihii ay dhigan jirtay, kadib markii uu ogaaday in la baaray iyada oo aan lagala tashan. 

Sanadadii ugu danbeeyay waxaa isbitaalada Norwey lagu baaray gabdho gaarayo 152. Marka laga reebo 30 kamid ah oo lasoo guday inta aysan Norwey imaan kahor, dhamaan gabdhaha kale ee baaritaanka lagu sameeyay ma aysan gudneyn. Mana jirin hal qof oo gabdhahaas kamid ah oo la guday, markey Norwey imaadeen kadib. 

Claus Møller oo ah dhakhtarka caruurta ayaa isna sheegay in wax badan lagu deg-dego oo aan laga fiirsan baaritaanka gabdhahaas. Sababaha loogu soo gabanayo in la baarana ay yihiin kuwo aad u daciif ah. Gabdhaha ma ahan kuwo dhib ku qabo in la baaro, laakiin waa waalidiinta waxa dhibta weyn ku qabo in ilmahooda la baaro. Waxaan qabaa in ilmaha la baaro iyaga oo waalidkood ay la joogaan. Dadka soo gudbiyo warbixinada ah in ilmo yar uu gudanyahay ay yihiin kuwo aan aqoon u laheyn gudniinka, ayuu intaad ku daray Claus Møller.

Booliska Norwey qaybta qaabilsan dhaawacyada jinsiga ah iyodhibaatooyinka qoysaska ayaa wali ku adkaysanaya inay sax tahay in la baaro ilmaha, iyada oo aan waalidkood la ogaysiin ama lagala tashan. Waxay intaas ku dareen in inkastoo aysan wali arkin qof lagu guday Norwey, inaysan ogaan karin hada in mustaqbalka ay dhici karta arintaas iyo inkale. Ayna baaritaanadan u sameeyaan si lamid ah sida ay u baaraan ilmaha looga shakiyo in weerar xaga jinsiga ah loo gaystay.

Xigasho: NRK  [adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x