tirsdag, april 16, 2024

Baarlamaanka Norwey oo isku raacay qorshe dhaqaalaha looga jari karo goobaha cibaadada

Xildhibaanada baarlamaanka Norwey oo jimcihii lasoo dhaafay kalfadhi weyn ku lahaa xaruntiisa Oslo ayaa isku raacay qorshe cusub oo lacagta kaalmada ah ee la siiyo goobaha cibaadada looga joojin karo. Waxayna soo jeediyeen in lacagta laga jarto hadii ay dadka maamula goobahaas ay soo bandhigaan fikrado kahor imaanaya: xuquuqda bini aadamka ee asaasiga ah, tiirarka ay ku dhisantahay dimuqraadiyada ama fikrado kale oo horistaagid ama dib u dhac u keeni kara isdhexgalka bulshada, waa sida ay hadalka u dhigeene. Waxayna arinta khusaysaa bay dhaheen dhamaan goobaha cibaadada ee dhaqaalaha ka hela dowlada, diintey rabtaan ha haystaane.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ka codsaday dowlada inay qiimayso in kaalmada dhaqaale laga jaro goobaha cibaadada ee dadka ku dhiiri galiya cunfi(awood adeegsi) iyo kuwa kaalmada lacageed ka hela dowladaha ku tunta xuquuqda aadanaha sida Sacuudi Carabiya. Waxaana Qorshan cusub codka loo qaadi doono maalinta khamiista ah ee 16ka bisha JUNI.

Soo jeedinta qorshan waxaa iska lahaa xisbiga SV, gudoomiyaha xisbigan Audun Lysbakken ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in xildhibaanada kale ee baarlamaanka ay ku raaceen arintan, isla markaana ay ogolaadeen in loo gudbiyo codbixin.

Inkastoo loo muujinayo qorshahan mid khuseeyo dadka oo dhan, hadana way cadahay in cida loola jeedo ay tahay masaajidada ay gacanta ku hayaan dadka muslimiinta ah, waayo Audun Lysbakken ayaa hadaladiisa waxaa kamid ah in hadii arintan ay meelmarto oo sharci noqoto ay kaga hortagi doonaan in dowlado ay kamid tahay Sacuudi Carabiya ay masaajido ka dhisto Norwey.

Waxayna tani kusoo aadaysaa iyada oo xisbiga SV uu ka lusho qar dheer, kadib markii sadex siyaasi oo kamid ahaa tiirarkii xisbiga ay diideen inay isku soo sharaxaan xubinimada baarlamaanka sanadka 2017. waxaana kamid ah heikki holmås oo horey u ahaan jiray wasiirka horumarinta Norwey. Codbixinadii ugu danbeeyay ee laga qaadayay dadweynaha ayaa sidoo kale sheegaya in xisbigan uu ka hoos mari doono tirada codadka ugu yar ee laga rabo xisbiyada si ay baarlamaanka uga mid noqdaan

 

Xigasho: dagbladet

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x