fredag, mars 29, 2024

Baarlamaanka Norwey oo diiday ansixinta qodobo kamid ah kuwii ay soo jeedisay Sylvi Listhaug

Baarlamaanka Norwey oo shalay oo jimce ah ka doodayay qodobo 40 ah oo lagu adkaynayso xeerka qoxootiga wadanka ayna soo bandhigtay wasiirka arimaha soo galootiga iyo is dhexgalka bulshada Sylvi Listhaug, ayaan isku raacin ansixinta qodobo kamid ah kuwii ugu cuslaa oo ay soo jeedisay. Laakiin ansixiyay qodobadii afartanka ahaa intoodii badneed. Qodobadii ay baarlamaanka diideena waxaa kamid ah:

  1. In magangalyo ku meel gaar ah la siiyo caruurta yar-yar ee iska soo dhiibta Norwey: Qodobkan oo ahaa midkii dhaliyay dooda ugu badneyd shalay iyo maalmihii ka horeeyayba, ayaa ugu danbeyn noqday mid aan meel-marin maadaama ay xisbiyadu dhamaantood kasoo horjeesteen, marka laga reebo Høyre iyo FRP. Ururuda u dooda xuquuqda ciyaalka ayaana lahaa sababta ugu badan ee keentay in qodobkan aan la ansixin, maadaama ay sheegeen in uu qodobkan xadgudub ku yahay xaqa caruurta magangalyo doonka ah ee caalamka u yaalo.

  2. In uu qofka sadex sano waxbarto ama shaqeeyo si uu qoyskiisa ugu dacwoodo: Qodobkan oo asna ahaa mid xili badan laga hadlayay, ayaa ugu danbeyn noqday mid aan meel-marin, aana helin codkii loo baahnaa si uu u meelmaro. Sidoo kale ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhankooda ka qaylo dhaaminayay in aan qodobkan la ansixin, maadaama uu asna dhinac marsanyahay xuquuqul-insaanka, sida ay sheegtay hay-ada qaramada midoobay u qaabilsan qoxootiga.

  3. In kor loo qaado shardiga lacagta laga rabo inuu qofku shaqeeyo si uu qof famili ah ugu dacwoodo: Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay in kor loo qaado lacagta laga rabo inuu qofku shaqeeyo sanadkii si uu qof famili ah ugu dacwaadi, oo laga dhigo 305.200, halka uu markii hore ahaa 252.000. Baarlamaanka ayaa diiday in lacagta kor loo qaado, sidaas darteedna lacagta laga rabo inuu qofku shaqeeyo sanadkii ayaa wali ah intii hore oo ahayd 252.000. Balse waxaa laga yaabaa in isbadal lagu sameeyo, mudada sanadka koowaad ah ee uu qofku haysto si uu ugu dacwoodo qoyskiisa, iyada oo aan lagu xirin shuruud lacag shaqo.

  4. In xiliga degenaanshaha laga dhigo shan sano: dowlada Norwey ayaa soo jeedisay in xiliga marka uu qofku codsan karo degenaanshaha rasmiga ah ee wadanka laga dhigo 5 sano, laakiin baarlamaanka ayaa diiday oo xiliga degenaanshaha waxa uu wali noqonayaa intii hore oo ah sadex sano.

Sidoo kale baarlamaanka Norwey ayaa shalay kalfadhigooda ku ansixiyay qodobo ay kamid yihiin: in qofka rabo inuu u dacwoodo qof kale oo xaas ah oo ugu yaraan ahaado 24 sano, sidoo kale qofka loo xaas ama nin ahaan loogu dacwoonayana uu ahaado 24 sano. 

Xisbiga FRP oo ahaa kii soo jeediyay qodobadan badankooda shalay la diiday in la ansixiyo ayaa sheegay inay ka xunyihiin inaan la meelmarin qodobadan ay ayagu u arkaan inay dan ugu jirto Norwey, si loo xakameeyo tirada dadka soo galootiga ah ee wadanka imanayo iyo dadka ay qaab qoys ahaan ugu dacwoonayaan. Sylvi Listhaug ayaa sheegtay inaysan wali isdhiibin oo qodobadan iyo kuwo kale oo ka adagba ay soo hordhigi doonto baarlamaanka Norwey. Hadafkoodu uu yahay in ay Norwey noqoto meesha ugu adag ee la isk dhiibo yurub, sharci ahaan

Waxaan usoo gudbin doonaa dadka nagu xiran dhamaan qodobadan shalay la ansixiyay marka loosoo bandhigo  qoraal ahaan saxaafada.

Xigasho: Aftenposten iyo FRP.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x