tirsdag, april 23, 2024

Ayaan Yaasiin: Looyarkii aan qabanay iyo booliskii markii ay wadahadal yeesheen ayay isku af garteen in arinta dib loogu noqdo

8BzYmG3ZxHrnLFUUIKJ0MAQIGbECcEhWzbxWd1HQtEhg
FOTO: LARS EIE / NRK

Gudiga xuquuq raadinta soomaalida Norwey waa gudi iskood isku xilqaamay, sheegayna  inay u dagaalamayaan xaqa dadka soomaaliyeed ee dhibtu kasoo gaartay Norwey, ayagoo sharciga iyo qaanuunka wadanka u yaalo adeegsanayo. Gudigan ayaa ka dhashay kulan ay qaybo kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey ku yeesheen Oslo, 3-dii bishan Juni. Waxaana go aan lagu gaaray kulankaas in la qabto looyar/qareen matala oo u dooda dadka soomaaliyeed.  Qareenka ay gudigan qabteena waxa uu noqday Arild Humlen oo ah looyarkii ay shalay saxaafada waaweyn ee Norwey soo xiganaysey, marka ay arinta in passportka qofka lagu qoro (ukjent) ku tilmaamayeen mid aan waafaqsaneyn sharciga wadanka. Taas oo kordhisay cadaadiska saarnaa hay-ada maamulka booliska iyo wasaarada cadaalada Norwey, maadaama qofka lasoo xiganayay uu ahaa sharci yaqaan.

Wargayska Klassekampen ayaa arbacadii warbixin dheer ka diyaariyay gudigan. Mahad Abiib Mahamud oo kamid ah gudigan isla markaana ah mid kamid ah dadka ay dhibtu soo gaartay ayaa sheegay in: in ay ka dagaalamayaan in bulshada soomaaliyeed ee Norwey ku dhaqan loo diidanyahay inay kamid noqdan mujtamac weynaha kale ee Norwey, iyada lala daba taaganyahay kontroll joogto ah. Hodan Guuleed oo ayadna kamid ah gudigan ayaa klassekampen u sheegtay in: maadaama lagu jiro xiliga fasaxyada ay dad badani rabaan inay passportka cusboonaysiiyaan, ayna ogtahay dad lagu celiyay garoonka Gardermoen, sababtoo ah waxaa passportkooda ku qornaa inaan la garaneyn meesha ku dhasheen. Ayaan Yaasiin ayaa ayadna dhankeeda sheegtay in ay bilaabeen inay lacag iska uruuriyaan sidii dadka dhibtu soo gaartay looga caawiyo xaga sharciga.

Warbaahinta NorSom News oo xiriir la sameysay Ayaan Yaasiin oo kamid ah gudiga ayaa noo sheegtay in kulankii weynaa ee dhacay 5-juni ay soo jeediyeen fikir ahaa in arinta jaaliyad sameynta dib loo dhigo, oo dhibta hada taagan toos loo abaaro, iyada la garabsanayo sharciga, lana qabto looyar u dooda dadka soomaaliyeed. Balse waxay sheegtay in fikirkoodii si bareer ah la isaga indho tiray, iyada oo lagu adkaysanayo in marka hore la sameeyo jaaliyad mideysan, inta aan looyar iyo sharciga la aadin. Intaas kadib ayay Ayaan Yaasiin sheegtay inay gudigan ay go aan ku gaareen inay howshii lagu balamay jimcihii horey usii wadaan, ayna qabteen looyarka lagu magacaabo Arild Humlen oo ah noqday mid kamid ah dadka warbaahinta Norwey ay shalay ka wareysaneysay arinta ku saabsan in passport qof lagu qoro (ukjent)

Ayaan Yaasiin ayaa sheegtay inay wali ku adkaysanayaan in wadada saxda ee wax looga qaban karo dhibta soo wajahday dadka soomaaliyeed ee Norwey ku dhaqan ay tahay xaga sharciga, iyada oo la adeegsanayo qareeno yaqaano sharciga. Waxayna sheegtay in ay ugu baaqayso bulshada soomaaliyeed inay soo taageeraan gudigan, ayna ka qayb qaataan bixinta qarasha la siinayo qareenkan, asaguna uu diyaar u yahay inuu u dagaalamo xaqa dadka soomaaliyeed oo dhan, kuwa dhibta haysato iyo kuwa kaleba. Uma taagno qof shaqsi ah oo kaliya, balse wuxuu diyaar u yahay inuu u dagaalamo xaqa umada soomaaliyeed oo dhan. Qofkii gaar u rabana si gaar ah ayuu ula xiriiri karaa.

Xubnaha ee ka tirsan gudidan waxaa kamid ah:

1- Ayaan Yaasiin

2- Jawaahir Qanyare

3- Khadra Nuur

4- Hodan Geedi Mohamed

5- Hani Mohamed

6- Ex. Xildhibaan Ubax C/lahi Adan

7- Hibaaq Mohamed

8- Faadumo Qaali

9- Mahad Abiib Mohamud

 

 

Halkan ka akhri qareenka ay qabteen gudigan oo sheegaya in arintan (ukjentiga) noqon karto sharci daro  

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x