Bildet: En norsk-somalisk familie som feirer 17 mai på Grønland/Oslo i 2011

Marka hore waxaan dhamaan dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey ugu hambalyeyneynaa maalinta qaranimada Norwey oo ah maantii la dhamaystiray dastuurka Norwey 17-may sanadkii 1814. Anaga oo ah bahda NorSoM News waxaan go aansanay inaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan Norwey la wadaagno taariikhda wadankan aan ku noolnahay oo kooban.

  • 800 iyo 1050: Sanadadii u dhaxeeyey 800 iyo 1050 Kadib diinta Kristaanka ayaa lagu magacaabaa Waqtigii Vikinka (Vikintida). Biloowgii waqtiga vikinka Noorweey ma aheyn wadan, laakiin waxey ka koobneyd dhulal kala duwan oo leh boqoradiisa. Markey aariikhdu aheyd 872 ayaa Nink kamid ah boqoradii Vikinga , boqor Harald Hårfagre ka noqdey boqor Noorweeyoo dhan. Dadbadan oo Viking ka mid ahaa u safri jirey dhulal kale. Qaar Viking ka mid ahi waxey ahaayeen ganacsato, wax soo iibsato, waxna sii iibiso. Halkeey qaar kale oo Vikingka ka mid ahaana ahaayeen dagaalyahano iyo mooryaan is wato, wax soo dhaco waxna soo dilo. Maanta waxaanu ka fekernaa inta badan dagaalyahano, kolkaanu ka hadleyno dadkii Viking.

  • 1000: Taariikhdu marka ay ahayd 1000 ayaa Noorweey lagu soo rogey diinta kristaanka. Diinta kristaankuna waxey badashey diimahoodii hore iyo illaahyadeey rumeysnaayeen

  • Daacuunkii Svarteduaden: Inta u dhaxaysey 1349 ilaa 1350: waxaa Norwey ka dilaacay cudur dilaa ah, kaas oo dhameeyay sadex meelood meel dadkii ku noolaa Norwey. Waxaana u badnaa dadka dhintay dadkii aqoonta lahaa sida wadaadada kaniisadaha, dadkii wax qori jiray iyo waliba dadka intiisii ladneed. Cudurkan ayaa ah dhacdada ugu madow ee Taariikhda Norwey ku xusan, maadaama uu wiiqay awooda dadkii ku noolaa Norwey waagaas iyo dowladiisaba. Taas oo ugu danbeyn ku qasabtay Norwey iney la midowdo wadanka Denmark.

  • Midowgii Denmark iyo Norwey: Bartamahii 1300 markeey taariikhdu aheyd ayaa inbadan Denmark waxey awood soo jiidasho ku yeelatey Noorweey. Laga bilaabo 1397na Noorweey waxeey midow sax ah la laheyd Denmark iyo Iswiidhan. Midowgu waxuu lahaa boqor isku midah. Waqti ka dib waxey Iswiidhan ka baxdey midowgii, laakiin midowgii Denmark iyo Noorweey wuxuu soo dabajiitamayey ilaa 1814kii. Siyaasiyiinta waxaa laga soo magacaabayey Denmark. Kobenheegan waxeey aheyd xarunta dhaqanka ee midowga, Noorwiijiyaanka waxey waxku qorayeen ama ku aqrinayeen afka Denmark. Beeraleydii Noorwiijiyaanka waxeey siinayeen canshuur boqorka fadhiya Denmark.Kala go’ii midowgii hore iyo midowgii cusbaa.

  • Burburkii midowgii Denmarki iyo bilowgii kii Sweden: 1814 waa sanad u muhiim ah taariikhda Noorweey. Waa 17kii may, sanadkii Noorweey qorotey dastuurkeeda (Grunnlov). Waxaa jirey dagaalo badan Yurub biloowgii 1800. Waxaa kaloo jirey dagaal weyn ee u dhaxeeyey Ingiriiskoo hal dhinac ah iyo Faransiiska oo dhinaca kale ah. Denmark iyo Norweey waxeey la safnaayeen Faransiiska, kadibna Faransiiska ayaa guuldareystey. Sidaa la adligeed waxaa Denmark waajib ku noqotey ineey Noorweey ku wareejiso Iswiidhan oo kolkaa la jirtey Ingiriiska. Midowgii u dhaxeeyey Noorweey iyo Denmark wuxuu soo afjarmey 1814kii. Qaar ka mid shacabka Noorwiijiyaanka waxey rajeynayeen in dalku noqdo dal xur ahoo kaligii taagan, maadaama uu kala go’ay midowgii. Wadanka kuwii ugu awooda badnaa ayaa ku kulmey Eidsvoll magaalada lagu magacaabo, taa oo ku taalo gobolka Akershus. Waxeey qoranayeen dastuurkeey isku xukumi lahaayeen kolkii uu wadanka hanto xuriyadiisa. Norweey waxaa lagu qasbey midow cusub ineey la gasho Iswiidhan, bishii November 1814kii ayaa midowgii Iswiidhan iyo Noorweey xaqiiqoobey. Midowgii u dhaxeeyey Noorweey iyo Iswiidhan wuxuu soo afjarmey in ka yar kii Denmark iyo Noorweey. Noorweey waxeey heeysatey dastuurkeeda oo waxyar laga bedaley, iyo ismaamul hoose. Howlaha arimmaha dibbada waxaa maamuli jirey Iswiidhan, iyo boqorka Iswiidhan oo labada wadanba Noorweey iyo Iswiidhan u ahaa boqor.

  • Waqtigii wadaniyada iyo qaran jaceylka Norwey(Nasjonalromantikk og norsk identitet): Yurub waxeey kortey qiyaas bartamihii 1800 kolkeey taariikhdu aheyd, lagabilaabo waqtigaas waxey ahmiyada siisey masawirada iyo dhaqanka taasoo aanu ugu yeeri karno «nasjonalromantikken» . Waxaa muhiim noqdey inla tilmaamo waxa wadan walbo lagu garto, iyadoo la doonayo in la helo waxa la weeyneeyo iyo waxa la qurxiyo labadaba. Noorweey waxa si qaas ah loogu safeynjirey dabeecad aad u qurux badan, taasoo dadka beeraleyda ahi aad igu qiimeynjireen ama ku garin jireen ineey « Waxyaalaha lagu garto dadka noorwiijiyaanka ah». Waqtigaa isaga ahi waxaa la siiyey ahmiyad suugaanta, sawirfarshaxameedka iyo muusikadaba. Waqtigaa ayuu noorwiijiyaanku si wanaagsan u gartey waxyaabaha lagu garto wadanka. Qaar badan oo ka mid waxey dareemeen dareen sharafeed, ay iskula hanweyn yihiin noqoshada Noorwiijiyaannimo, la socoshada iyo si xoogan u rajeynta ah in wadanku helo xuriyad. Kadib boqolaalkii sano ee midowgii Danmark luqada la qoraahi waxey aheyd luqada Denmark. Luqada la qoro maanta oo aanu u naqaano Bokmål waa luadii Daaniska oo la hormariyey. Waqtigaan nasjonalromantiske ( waqtigii wanaagsa dalka iyo waxyaabaha lagu garto wadamada lagu mashquulsanaa) waxey aheyd waqti dadbadani soo bandhigeen ineey tahay waqtigii Noorwiijiyaanku heysan lahaayeen luqad aanan ka imaan Denmark. Luqadbaare Ivar Aasen (1813- 1896) ayaa ku dhexsafrey Noorweey isagoo dersayey ama aruurinayey raadraaca luqadeedee ka kala yimid lahjadaha kala duwan. Waxaana uu diyaariyey qoraal luqadeed cusub, Nynorsk . Nynooshkaha iyo buukmoolka labaduba waa la hormarinayey ilaa kolkeey taariikhdu aheyd 1800, walina Noorweey waxey leedahay labo luqad dowladeed, iyo waliba luqada saamisk iyo tan kveeniska.

  • Warshadeyntii Noorweey: Bartamihii 1800 kolkeey taariikhdu aheyd waxeey ku noolaayeen 70 boqolkiiba dadkii ku noolaa Noorweey miyiga. Waxeey ka shaqeyn jireen inta badan beeraha iyo kaluumeysiga. Noloshu weey adkeyd. Tirada dadka weey kordheen, kuligoodna meey wadahelid dhulbeereed ku filan iyo shaqo. Islamar ahaantiina waxaa ka dhacey isbadal magaalooyinkii. Dhowr warshadood ayaa laga bilaabey, dadbaddanina waxeey ka soo guureen miyigii siyeey shaqo u helaan. Noloshii magaaladu waxeey aheyd mid ku adag qoysasbadan oo shaqaale ah. Saacadaha shaqadu weey dheeraayeen,wadanoolaanshahuna wuu xumaa. Qoysaskuna int abadan waxeey lahaayeen caruur farabadan, waxeeyna aheyd mid caado u ah in qoysas badani ku noolaadaan guri yar. Caruur badanina waxaa waajib ku aheyd ineey ka shaqeeyaan warshadaha siyeey qooysasku u helaan dhaqaale ku filan. Dadbadan ayaa isku dayey ineey u nasiibraadsadaan dibada, sannadadii u dhaxeeyey 1850kii iyo 1920kiiba u guurtey inka badan 800 000 noorwiijiyaan ah Mareykanka.

  • Wadan xur ah oo kooni isku taagay:  1905 waxaa kale go`ay Norway iyo Iswiidhan. Ka dib markii in muddo ah kale fikrad duwanaayeen baarlamaanka Norway iyo Boqorka iswiidhan, bilwgii qarnigii 1900 dad badan oo Norwigi ah waxay qabeen in Norway kooni u istaagto oo ay ka baxaan midowga Iswidan. 7. Juun 1905 wuxuu baalamaanka Norway soo saaray wareegtu uu ku sheegayo in Boqorka Iswidan uusan xukumin Norway, ayna ku kala go`ayaan midowkii Norway iyo Iswidan. Iswidan arintaa aad iyo aad ayay ugasoo horjeesatay, waxayna lab ada wadan qarka u saarnaayeen inuu dagaal dhexmaro. Labo codbixin oo dadka norwiijga laga qaaday isla sanadkaa ayey dadku u codeeyeen in Norway ka go`ayso Iswidan, halkaana uu ku dhamaanayo midowkii Iswidan iyo Norway, Norwayna ay noqonayso wadan gooni isu taago oo boqortooyo noqon doono. Waxaana la doortey wiilka boqorka Danmarka Carl inuu noqdo Boqorka Norway. Wuxuuna bedalay magaciisii si uu u qaato magac Norwiiji ah, Haakon. Boqorkii Haakon 7. Wuxuu boqorka Norway ahaa 1905 ilaa dhimashadiisii 1957.

  • Dagaalkii labaad ee aduunka : Dagaalkii labaad ee aduunku wuxuu bilowday sebteembar 1939 markii Jarmalku ku duuleen Polan. Norway wuxuu jarmalku ku soo duulay oo uu qabsaday 9. abriil 1940. Muddo gaaban oo maalmo ah ayaa dagaalka Norway lagu qabsaday socday, ka dibna Norway way isdhiibtay. Boqorkii iyo Dawladdii Norway waxay u carareen wadan Ingiriiska halkaa ayey ka sii wadeen halgankoodii xornimad doonka ahaa. Norway waxaa xukumayay dawlad Jarmal raacsan oo aan si dimoqoraadiyad ah ku imaan oo uu hogaaminayey nin la oran jiray Vidkun Quisling. Inkastoo aysan jirin dagaal si toos uga socday Norway, hadana waxaa jiray jabhado ka soo horjeeday xukuumadda oo soo saari jiray wargeesyo sharci daro ah, mararka qaarkeedna weeraro ku qaadi jiray xarumaha dawladda. Dad badan oo ka tirsanaa jabhadaha ayay qasab ku noqotay inay wadanka ka cararaan. Dad lagu qiyaasay 50 000 oo Norwiiji ah ayaa u qaxay wadanka Iswiidhan mudadii dagaalkii labaad ee aduunku socday Muddo ka dib dawladii Jarmalku waxaa looga guulaystay meelo badan oo ay dagaal ka waday, may 1945 dawladdii Jarmalku way isdhiibtay. Dad lagu qiyaasay 9500 oo Noorwigi ah ayaa ku dhintay dagaalka.

  • Wadan cusub oo casri ah:  Dagaalkii ka dib wadanku wuxuu u baahday in dib loo dhiso. Maciishad la`aan ayaa jirtay, dadku guryo ay degaan ma haysan, wada shaqeyn iyo iska wax uqabso ayay dadku ku dhaqaaqeen si wadanka deg deg loogu dhiso. Dawladdu waxay xakameysay dhaqaalaha iyo badeecooyinka wadanka. Ka dib dagaalkii labaad ee aduunka waxaa la aasaasay Jamciyadda qaramada midoobey. Ujeedad jamciyadda qaramada midoobey waa inay ka shaqayso nabadgalyada iyo cadaaladda aduunka. Norway waxay aheyd dawladdihii ugu horeysay oo ka mid noqota ururkan bishii Noveembar 1945. Dawladda Mareykanku waxay u fidisay kaalmo dhaqaalo wadamada yurub dagaalkii labaad ee aduunka ka dib. Kaalmadaan waxaa loo yaqaan Qorshihii Marshal, waxaana wadamada kaalmadan qaadanayey lagu xiray sharuudo kala gedisan. Norway waxay heshay lacag lagu qiyaasay sedex billyan oo doolar 1949 Norway iyo kow iyo toban wadan oo kale waxay saxiixeen heshiiskii atlaantika, kasoo markii dembe dhaliyey ururka midowka melatariga ee wadamada reer galbeedka (Nato) Xiriirka wanaagsan ee wadamada yurubta galbeed iyo Mareykanka waa mid ilaa hadda jira. Sanadihii 1950 iyo 1960 kii dhaqaalaha wadanka Norway wuu wanaagsanaa, dawladdu waxay samaysay dib u haybeyn kaasoo dadweynaha siinayay nolol wanaagsan. Sanadihii 1960 kii sharikado badan ayaa doonayey inay badda Norway ka baaraan shidaal iyo gaas. Sidii 1950 kii dawladdu uga mas`uul aheyd qayraadka biyaha ee korantada laga dhaliyo, ayaa qeyraadka shidaalkana dawladdu mas`uulka noqotay. Laakiin shirikadaha aan dawliga aheyn waxaa loo ogolaaday inay iibsadan ogolaanshaha inay baaraan shidaalka, ayna ka soo saaraan meelo iyo waqti loo cayimay. 1969 ayaa markii ugu horeysay shidaal laga helay badda Norway, laga bilaabo waqtigaa Norway waxay noqotay wadan shidaal. Wadanka Norway waa wadanka shidaal dhoofis badan aduunka, dhaqaalahaa shidaalkuna waa qeybta ugu muhiimsan dhaqaalaha wadanka. Sidoo kale kacdoonkii dadweynahu wuxuu qeyb ka ahaa horumarka wadanka. Gaar ahaan dhaqdhaqaaqii ururka shaqaalaha iyo ururada haweenka oo qayb muhiim ah ka soo qaatey. Dhaqdhaqaaqa ururka shaqaalaha Norway wuxuu kasoo bilaabmey sanadihii 1600 kii laakiin wuxuu si wanaagsan isku habeeyeen sanadihii 1880 kii waqtigaa oo ay jireen shaqaale badan oo ka shaqeyn jiray warshadaha. Sanadihii 1920 kii waxay qayb weyn ka ahaayeen isbadaladii dhacayey markaa. Ururka shaqaaluhu wuxuu u soo halgamay sidii shaqaalaha noloshooda kor loogu qaadi lahaa, waxaana ka mid ah saacadaha qofku shaqaynayo in la yareeyo, in la sugo nabadgalyadooda goobaha ay ka shaqeynayaan, in ay helaan caymis dhaqaalo markii ay xanuunsadaan, xaq inay u helaan lacag markii ay shaqo ka dhamaato. Ururka dhaqdhaqaaqa dumarka wuxuu u soo halgamey xuquuqda dumarka, sinaanta ragga iyo dumarka, ragga iyo dumarku inay fursad isku mid ah helaan, xaq inay dumarku u helaan ineey wax furaan, inay ilmaha iska xiri karaan, inay ilmaha iska soo xaaqi karaan iyo in dumarku ay xaq u Leeyihiin go`aanka jirkooda, taasi waxay ka mid ahaayeen waxyaalaha ururka dumarka muhiim u ah. Hadda waa loo wada siman yahay waxbarashada iyo shaqada, lahaanshaha iyo dhaxalka, daaweynta iyo daryeelka caafimaadka.

                               ……. Dhamaad ……….

    Xigasho: samfunnskunnskap.no

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

Notify of
avatar
wpDiscuz