onsdag, april 24, 2024

UDI-da oo war rasmi ah kasoo saartay sharci kala noqoshada soomaalida aan degenaanshaha qaadan

Laanta socdaalka ee UDI-da ayaa ugu danbeyn xaqiijisay oo war rasmi kasoo saartay dib u qiimeynta magangalyada soomaalida sharciga kumeel gaarka ah qaadatay wixii ka horeeyay 1. oktober 2014. Arintaas oo ay warbaahinta NorSom News baartay ayna bulshada soomaaliyeed usoo bandhigtay 23-bishii April, markaas oo ay UDI-du amar u dirtay dhamaan xafiisyada booliska Norwey, kana codsatay in loo soo gudbiyo dhamaan codsiyada dadka soomaaliyeed ee ku saabsan sharciga degenaanshaha.

Halkan ka akhri warkii aan qorney 23-april-2016: Dowlada Norwey oo bilaabaysa inay sharciyada kala noqoto soomaalida aan degenaanshaha qaadan.

Bogeeda rasmiga ah ee UDI.no ayay kusoo daabacday fariin ay ku wargalinayso soomaalida codsaday sharciga degenaanshaha in sharcigooda magangalyada dib u qiimeyn lagu sameyn doono, maadaama uu isbadal ku yimid xaalada amni ee Soomaaliya. Waxayna cadeysay in qiimeyn lagu sameyn doono in uu qofka magangalyo wali u baahanyahay ama in ay baahidaas meesha ka baxday oo qofka dib loogu celinayo Soomaaliya. Waxay intaas ku dartay in uu go-aankan yahay mid ka yimid wasaarada dastuurka iyo cadaalada Norwey, ee uu wasiirka ka yahay Anders Anundsen oo ka tirsan xisbiga FRP. UDI-du waxay sheegtay in qiimeynta kadib uu qofka xaalkiisu noqon doono sadex mid:

  • In dib u eegis iyo qiimeyn kadib uu qofku sii haysto sharciga magangalyada(qoxootiga), isla markaana uu sii joogo Norwey

  • Ama in qiimeyn kadib  qofka lagala noqdo sharciga magangalyada(qoxootiga), laakiin la siiyo sharci nooc kale ah, oo uu kusii joogi karo Norwey.

  • Ama in qiimeyn kadib qofka lagala noqdo sharciga magangalyada qoxootiga, aana la siin sharci nooc kale ah, dibna loogu celiyo Soomaaliya.

UDI-da ayaa intaas ku dartay in markii la qiimeeyo baahida magangaylada qofka kadib, loona ogolaado in uu Norwey sii joogo, ayaa laga shaqeyn doonaa codsigiisa ku aadan degenaanshaha rasmiga ee wadanka. Inta qofla looga soo jawaabayo dib u eegista sharciga magangalyadiisa, waxa  uu wadan karaa nolol maalmeedkiisa caadiga ah, sida inuu iskuul aado ama shaqaysto. Hadii qofka ay u timaado jawaab ah in sharciga lakala noqdey, wuxuu xaq u leeyahay in qabsado qareen/abuu kaate(advokat), isaga ayaana la xiriiraya ee dowladu uma qabanayso.

Mar kale ayay UDI-du faah-faahin ka bixisay cida uusan qabaneyn go aanka cusub ee aanan sharcigiisa dib u eegis lagu sameyn doonin, waana dadkan hoos ku xusan:

  • Qofka sharciga magangalyada helay, wixii ka danbeeyay 1. oktober 2014.

  • Qofka haysto oo mar hore helay sharciga degenaanshaha ama dhalashada wadanka.

  • Qofka Norwey la keenay ee laga soo qaaday xeryaha qoxootiga ee kuyaal wadan kale( Aan Norwey iska soo dhiibin, balse la keenay)

  • Qofka sharciga magangalyada ku helay sababo la xiriira bini-aadanimo.

  • Qofka lagu keenay qaab famili ahaan, aana haysan sharciga qoxootiga(Qofka passportka buluuga ah haysto).

Halkan ka akhriso warka ay soo saartay UDI-da oo rasmi ah

Shalay ayay ahayd markii uu wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya uu wadahadalo la galay dowlada Norwey, iyada oo loo badinayo inay geleen heshiis ku aadan in si khasab ah wadankii loogu celiyo soomaalida aan sharciga wali qaadan. Sida ay warbaahinta NorSom News ka xaqiiqsatay ilo xog ogaal ah, waxaa wafdiga Soomaaliya ka socdey kamid ahaa wasiirka amniga Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar oo ah qofka ugu sareeya ee dowlada Norwey u xaqiijin kara in amniga Soomaaliya uu isbadal ku yimid isla markaana soomaalida sharciga loo diidey wadanka dib loogu celin karo. Waxayna arinta xoojinaysa shakiga ah in qayb kamid ah wafdiga dowlada uu Soomaaliya ugu yimid wadahadalka dowlada Norwey ee ku saabsan celinta Soomaalida aan helin sharciga magangalyada Norwey.

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey ayaa waxaa soo wajahdey xaaladii ugu adkeyd ee soo marta mudadii ay jaaliyadani dagneed wadankan. Wali taariikhda soomaalida Norwey ma dhicin in dhib iyo daba dagal intaas le eg la kulanto mudo saas u kooban. Waxayna tani kusoo aaday xili ay dowlada talada haysa ee Norwey uu kamid yahay xisbi aad uga soo horjeedo soo galootiga kasoo jeedo wadamada muslimka ah oo ay soomaalidu kow ka tahay, waa xisbiga FRP. Soomaalida Norwey oo aan laheyn dalad mideysan, hogaan guud oo hoos tagaan iyo waliba xubno baarlamaan oo xaqooda uga dooda aqalka ugu sareeya ee looga arimiyo wadanka(Stortinget). Taas oo sahal ka dhigayso in sharci walba oo ajaanibta ku saabsan, kow lagu tijaabiyo Soomaalida inta aan lala aadin ajaanibta kale. Culeyska ugu weyn ee xaaladan adagi waxa uu fuuli doonaa dhamaan siyaasiyiinta soomaaliyeed ee kujiro xisbiyada kala duwan ee wadanka. 

Warbaahinta NorSom News oo loo aas-aasay tabinta iyo daba galida wararka kusoo kordha jaaliyadeena soomaaliyeed ee Norwey ayaa balan qaadayso in wax walbe iyo sharci walbe oo dowlada kasoo baxa aan usoo bandhigno bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka. Shalay ayay ahayd markii ay NorSom News noqotay warbaahintii ugu horeysay ee af soomaali ku qorta kulamadii u dhaxeeyay wafdiga dowlada soomaaliya iyo Norwey.

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x