Soomaalida Norwey

Wakaalada qaabilsan tirokoobka ee SSB(statisk sentralbyrå) ayaa maalintii shalay ahayd (9-5-2016) soo saartay warbixin ay uga hadlayso heerka shaqo ee dadka soo galootiga ah iyo caruurta ay dhaleen. Ayada oo guud ahaan xaqiijisay in heerka shaqo ee caruurta ajaanibtu dhaleen ee wadanka ku dhashay ay 50% ka sareyso waalidiinta dhalay. Waxay kaloo sheegtay in heerka shaqo ee qowmiyadaha qaarkood sida dadka ka yimid Poland, Vietnam , Hindiya iyo Srilanka ay la heer tahay ama ka sareysaba dadka u dhashay wadanka. 

Waxyaabaha ugu waaweyn ee saameyn ku leh heerka shaqada dadka soo galootiga ah ayay ku sheegtay inay kamid tahay heerka aqoontooda, goorta ay wadanka yimaadeen, qaabka ay wadanka ku yimaadeen, dhaqanka shaqo ee wadanka ay ka yimaadeen iyo waliba caruurta ay dhaleen tiradooda. 

Soomaalida ayaa mar kale noqotay groupka ama qowmiyada ugu hooseyso marka la eego heerka shaqada oo 36% ayaa ka shaqeeya raga soomaaliyeed, halka 22% ay ka shaqeeyaan dumarka soomaaliyeed. Taas oo naga dhigayso qowmiyada qarashka ugu yar soo galiso sanduuqa dowlada, qaab canshuur ahaaneed. Waxaa taas u sabab ah soomaalida ah oo ah dad intooda badan wadanka ku cusub, kuna yimid qaab qoxootinimo, caruurta ay dhalaan oo tiro ahaan ka badan tan dadka intooda kale( taas oo hoos u dhigayso jaaniska ay hooyada soomaaliyeed uga qaybqaadato suuqa shaqada maadaama ay marna ilmo uurka ku siday, marna ay xaafada la joogtay, marna ay mid kale uurkiisa lahayd). Iyo heerka aqoonta bulshada soomaaliyeed ee ahayn mid sare, maadaama ay wadankii ay ka yimaadeen uu bur-bursanaa rubuc qarni. 

Arinta rajada weyn leh ayaa ah in ubadka ay dhalaan dadka soo galootiga ah ay kaga jaanis fiicanyihiin waalidkii dhalay inay shaqo helaan ama waxbartaan, balse wali waxaa jirto khatar kale oo ah in ilmaha uusan waalidkiis shaqeyn ama uusan waxbaran uu asna khatar ugu jirto inuu noqdo mid aan shaqeysan ama  aan waxbaran. Tusaale ahaan caruurta ay dhaleen dadka ka yimid Srilanka, Veitnam iyo Hindiya waxay heerka aqoonta sare ay kaga sareeyaan ilmaha waalidkii wadanka u dhashay(norwiijiga ah). Waxaana taas saameyn weyn ku leh sida ay sheegtay heerka shaqada waalidoontood, Sida ay sheegtay SSB(hoos ka akhri maqaalka SSB oo dhamaystiran).

Waayadii ugu danbeysay waxaa aad usoo badanayay dhalinyarada soomaliyeed ee wada tagaasida iyo bussaska iyada oo marka aad dhexjoogto magalooyinka waaweyn ay markiiba indhahaagu qabanayaan qof soomaali ah wado taxi ama buss. Halka jaamacadaha wadanka intooda badan ay dhigtan ugu yaraan 30 qof oo soomaali midkiiba, Iyadoo meelaha qaarkood sida Høgskolen i Oslo iyo jaamacada Blindern ay dhigtaan ugu yaraan 150 soomaali ah midkiiba.(Xigasho ururka ardeysa soomaaliyeed ee Norwey, SSF).

Hadaba maxaad is leedahay sababta hoos u dhigtay heerka shaqo ee bulshadeena soomaaliyeed,

Ma waxaa adag in wadanka shaqo laga helo?

Ma soomaalida ayaa ah dad aa jecleyn dhibka iyo kalahaada oo ku qanacsan xoogaaga kasoo galo qolyahay ceyrta?

Ma waxaa nalagu takooraa suuqa shaqada oo waxaa adag in qof soomaali ah uu shaqo helo?

Fikirkaagu waa muhiim ee nala qaybso.

Halkan ka akhri Wargayska Aftenpostenka oo shalay soo daabacaday arinta

Halkana ka akhri warbixinta SSB oo dhamaystiran.

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

3 Comments På "Shaqo la aanta soomaalida oo mar kale noqota mid warbaahinta wadanku ay ka hadlaan iyo rajo weyn oo muuqato"

Notify of
avatar
Sort by:   newest | oldest | most voted
abdulkadir
Guest
abdulkadir

Asc, horta wadama kor ku xusan hdii aa dib u raacno waa wadamo hormaray oo dad aqoon leh , marka aa u soo dadkeena soomaaliyeed waxan ka imaanay wadan burbursan oo dadkiisa dagaalo dishoodeen .Dad sidaas ah miyaa lala bar bardhigi karaa dad kale oo wadan dowlad leh ,nimaad leh ka imaaday . mida kalena dad aqoon ama xirfad leh ma nihin ,ilaa dad yar mooyee

Gacmodheere
Guest
Gacmodheere

War xitaa hadii la shaqeeyo iyo hadii kaleba waa isku meeshii, oo lacagta kaasoo galayso shaqada iyo tan aad qaadanayso waa isku mid. Marka waxaan codsan lahaa in dadka ajnabiga ah canshuurta laga yareeyo si ay ugu dhiiradaan in ay shaqaystaan, Guryahana loo raqiisiyo, ileen hadaan 20000 shaqeeyo oo 13000 aa guri ku bixiyo maxaa isoo harayo?

Shaqadu waa lama huraan
Guest
Shaqadu waa lama huraan

dhibata ugu daran ee somalida hartay waa sida u fakarayso adigo kale waxaad u dhidido intay doonan ha le ekaadeene waa dhiigaga iyo dheecankaga qofna gacan uma hoorsan sumcada somalidana waad bad baadi lahayd, 5000 oo aad shaqaysto waxay ka fican tahay 40000 oo aad tuugsato.

wpDiscuz