fredag, april 19, 2024

Mani Hussaini: Sylvi Listhaug halaga ceyriyo dowlada

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha(AP) Mani Hussaini oo maanta khudbad ka jeedinayay banaanbaxa maalinta shaqaalaha ee kowda may, ayaa cod dheer ku yiri in wasiirka soo galootiga iyo isdhexgalka wadanka Sylvi Listhaug, aysan u qalmin inay xafiiska sii fadhiso, mudantahayna in madax-madax xafiiska looga tuuro.

Waxay noo sheegtay inay hadii dadka soo galootiga uu bato ay u cabsanayso mustaqbalka caruurteeda iyo kuwa ay ayeeyada u tahay, balse anigu waxaan u cabsanayaa caruurteyda iyo kuwa aan awoowga u noqon doono, ayada darteed. Mani ayaa intaas ku daray in qoxootiga laga dhigayo inay dhibaato weyn ku yihiin yurub, laakiin dhibaatada rasmiga ah waa mida haysata dadka qaxootiga ah ee lagu qasbay inay guryahoodii kasoo qaxaan. Waa sax Norwey qof walbe oo qoxooti ah ma caawin karo, balse taas gabaad uma noqonayso in aan qofna la caawin.

Dhankooda ururka dhalinyarada FRP ayaa sheegay in ay fiicnaan lahayd in uu maalinta kowda may uu ka hadlo xaqa iyo xuquuqda shaqaalaha, balse uusan wax badan ku mashquulin howsha fiican ee wasiirka iyo dowladu wado.

Mani Hussaini oo asalkiisu yahay muslim, ahna kurdish siiriya kasoo jeeda ayaa qabtay xilka gudoomiye ee ururka dhalinyarada AUF sanadkii 2014. Asaga iyo qoyskiisaba qaab qoxooti ahaan ah ayay ku imaadeen Norwey 1998, waxa uuna  kamid ahaa dadkii u dagaalamayay fikirkii dooda weyn dhaliyay 2015, ee ahaa in ay Norwey xeryaha qoxootiga kasoo qaadato 10 000 oo qoxooti siiriyaan ah, taas oo ugu danbeeyay lagu heshiiyay 8000.

Warkan saaka kasoo yeeray Mani ayaa durba dood weyn ka dhaliyay baraha bulshada, waxa ayna dad badan bilaabeen in ku duraan diintiisa ama asalkiisa, taas oo ay codsadeen in uu wadanka isaga baxo oo uu ku noqdo meeshii uu ka yimid hadii uusan ku qanacsaneyn qaabka ay dowlada Norwey u shaqayso. Mani ayaa horey u sheegay mar walbe oo uu keeno fikir aysan ku qancin dadka kasoo horjeedo, ay bilaabaan inay asaga shaqsiyadiisa iyo asalkiisa duraan si ay isaga dhiciyaan maadaama ay fikir ka fiican aysa meesha ku haynin, taasna uu la qabsaday.

WARKAN OO NORSKE KU QORAN HALKAN KA AKHRISO(les mer på norske her)

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x