torsdag, april 18, 2024

Amal Adan oo markale eedeysay waalidiinta soomaalida iyo ajnabiga ah

Amal Aden oo ah qoraa caan ka ah saxaafada wadanka, ayaa mar kale eedeyn dusha u saarisay waalidiinta ajnabiga ah, kuna eedaysay inaysan ilmaha u ogoleyn iney u noolaadaan si xor ah. Amal oo khudbad ka jeedinaysay maktabada Vestnes ayaa sheegtay inay waxbadan la socotay dhibaatooyinka ka dhex abuurma dhaqamada norskaha iyo kuwa dadka ajnabiga ah.

Waxay sheegtay in dhibta ugu weyn uu ka timaado xaga waalidiinta oo ilmaha ku qasba inuu raaco dhaqanka wadankii uu waalidkii ka yimid, inkasta oo uu ilmaha wadankaas waligiis arag. Sidaas darteedna ay dhici karto in ilmo Norwey ku dhashay kuna barbaaray uusan saaxiib ka dhigan karin ciyaal norwiiji ah, waalidka dartood

Amal oo horey ugu caanbaxday ceeb u yeelida iyo wax ka sheega dadka ajnabiga ah, gaar ahaan soomaalida ayaa intaas ku dartay in: hadii ilmo norske ah uu waalidkiis ka amardiido, waxaa laga yaabo i dhaxalka loo diido, laakiin aanan mindi iyo waxkale loo qaadan, balse  bulshada soomaalida sidaas waa ka duwantahay. Hadii gabar soomaali ah ay saaxiib ka dhigato wiil norwiiji waxaa ay khatar ugu jirtaa in magaalada wax taxi joogo laga dabo diro. 

Dhowr bilood kahor ayay ahayd markii Amal ay saxaafada wadanka oo dhan ay ku sheegtay in ay dhibaato kala kulanto soomaalida tagaasida wado, oo aysan qaadin hadii ay u gartaan inay ayada tahay. Ama mararka qaarkood inay inta qaadaan wax ka sheegaan. Soomaalida ayaa arintaas ku tilmaantay in ay Amal rabto inay magaca ka disho soomaalida oo aad uga shaqeeyo tagaasida, sida ay horey magaca uga dishay sumcada bulshada soomaaliyeed guud ahaan ee ku dhexleeyihiin.

Amal oo u waramaysay journalka localka ah ee Vestnesavis ayaa intaas ku dartay in ay adagtahay badanaa haweenka la in integrering gareeyo(bulshada la dhexgaliyo), laakiin ay muhiim tahay, maadaama ay hooyadu tahay furaha qoyska. uguna baaqday ururada frivilliga ay guryaha ku booqdaan haweenka caruurta badan guryahay ku heesta, kana dhaadhiciyaan arintaas.

warkan oo norske ah halkan ka akhri( Les saken på norske her)

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x