Fiiro gaar: waxaan ka codsaneynaa dhamaan dadka akhrinaya warbixintan inay si degan u akhriyaan marka hore, kadibna ay booqdaan dhamaan link-yada ama page-ka ku lifaaqsan si ay arinta sawir buuxa uga qaataan.

Kowdii bishan aan ku guda jirno ee April sanadkan 2016 ayaa wasiirada arimaha soo galootiga wadanka Norwey naagta lagu magaacabo Sylvi Listhaug soo rogtay go aan cusub oo ah in dadka qaxootiga ah ee magangalyada ku joogo Norwey lagala noqon karo sharciga dal-kujooga, dibna loogu celin karo wadankii ay ka yimaadeen. Hadii ay nabad ka dhalato wadankii ay ka yimaadeen, meeshana ay ka baxdo baahidii qofka ku qasabtay inuu wadankiisi uu kasoo qaxo marii hore. Sidoo kale waxay sheegtay inay dowlada Norwey ay rabto in dadkan ay ka qayb qaataan dib u dhiska iyo nabad kusoo dabaalida wadankii ay ka yimaadeen. Go aankan cusub ayaa daba socdo heshiis ay xisbiyada Ap, Høyre, Frp, KrF, Sp iyo Venstre ay galeen 19. november 2015, kuna saabsanaa xiisada ka dhalatay qoxootiga kusoo fatahay yurub sanadkii 2015.

Wasiiradan oo ka tirsan xisbiga mayalka adag ee FRP ayaa intaas ku dartay in sharciga caalamiga ah ee qoxootiga(Geneva convention) iyo sharciga qoxootiga ee Norwey uu ogolyahay in qofka haysta magalgalyo ku meel-gaar ah lagu celin karo wadankii uu asal ahaa ka yimid hadii ay nabad ka dhalato. Taas oo micnaheedu in qofkii haystay sharci magangalyo ku meelgaar ah(Midlertidig oppholdtillatelse)lagala noqon karo sharciga, loona diidi karo sharciga degenaanshaha abidka ah(permanent oppholdtillatelse).

Norwey ayaa noqotay wadankii ugu horeeyay ee katirsan qaarada Yurub ee qaata go aan noocan oo kale ah. Waxa ayna dowladu sheegtay in sanadkii 2015 ay Norwey yimaadeen dad qoxooti ah oo tiro ahaan gaarayo 31.000 00 qof, oo badankooda ka yimid wadanka Siiriya. Sanadkan 2016  ayaa laga yaabaa in tirada intaas wax badan ka badato. Arintaas oo culeys dhaqaale iyo mid dhaqan labadaba keeni karta. Waxayna sheegeen in ay dib u-dajinta iyo howsha dadkan tirada badan ay keeni karto in uu culeys fuulo maamulada magaalooyinka, isla markaana ay buuxin waayaan shaqadii ay uga baahnaayeen dadka deegaanka ah.

Link 1) Akhri warkan oo lagu daabacay mid kamid ah wargaysyada yar-yar ee Norwey:

 

  1. Arintan qofkee ayay saameynaysaa?

Sida NORSOMNEWS.COM ka soo xiganay webka dowlada norwey(regjeringen.no) ee arinta lagu shaaciyay, go aankan waxa uusan saameyn ku yeelan doonin:

  • Qofkii heysta sharciga degenaanshaha(Permanent oppholdtillatelse): arintan saameyn kuma yeelanayso, maadaama uu haysto sharci uu abid ku deganaan karo Norwey.
  • Qofka laga soo qaaday xeryaha qoxootiga ee aan Norwey iskiis u imaan: arintan sidoo kale saameyn kuma yeelanayso.
  • Qofkii ku yimid qof qoys ahaan ah ama loo dacwooday: sidoo kale saameyn kuma yeelanayso.
  • Qofkii sharci ku helay arimo bini aadanimo, sidoo kale saameyn kuma yeelanays.
  • Sida ku qoran webka dowlada arinta waxay saameyn ku yeelan doontaa dadka sharciga magangalyada ku helay qaanuunka magangalyada qodobkiisa 28-aad, xarfaha a iyo b: dadka norwey iska soo dhiibay ee qaab qoxootinimo ku helay sharciga

Link 2: (Halkan ka aqriso qaanuunka 28-aad ee qofka uu ku heli karo sharciga magangalyada)

Hadii aad rabto in aad wax kadan ka ogooto go aankan iyo waliba cida uu saameyn ku yeelan karo, ka daalaco halkan:

LINK 3: Go aan dowlada ee ku qoran Norwiiji iyo English labadana: 

  • Go aanka u gaarka ah dadka ka yimid Somalia:

1-april go aanka kasoo baxay dowlada waxaa ku qornaa inuu  dhaqangalayo isla maalintaasba.

8-april-2016 ayay waaxda agaasinka soo galootiga iyo ajnabiga ee Norwey(Utlendingsdirektoratet, UDI) ay amar u dirtay dhamaan xafiisyada police-ka, taas oo ay ku dalbanayso in loo soo gudbiyo dhamaan kaysaska la xiriira dadka la qiimaynayo in sharciga lagala noqonayo iyo in kale. Si gaar waxay u magacaabeen dadka ka yimid soomaaliya in loo soo gudbiyo kiisaskooda oo waxaa ku qoran:

Codsiyada degenaanshaha dadka ka yimid soomaaliya ee helay sharci-magangalyo kumeel gaarka ah wixii ka horeeyay kowdii oktober 2014.  UDI waxay ogolaatay in dadka lagu celin karo soomaaliya desember 2012. Wixii ka danbeeyayna xiligaas ilaa oktober 2014 waxay waday sidii howshaas loo suurto galin lahaa. Taas oo keentay  in dib loo eego  baahidii magangalyo ee qofka in ay meesha ka baxayso iyo inkale.

Waxaa kaloo ku qoran in aan qofka loo cusboonaysiin karin sharciga kumeel gaarka ah ama passporka yarka ah ee lagu safro.

LINK 4: Halkan Akhriso dalabka UDI ee ah loo gudbiyo kiisaska dadka dib u eegista lagu sameyn doonto, gaar ahaana soomaalida.

NorSom News iyo UDI.

Mid kamid ah akhristayaasha NORSOMNEWS ayaa markii hore nagu wargaliyay arintan, nagana codsaday in aan daba gal ku samayno. Waxa aana isku daynay in aan xiriir telefon ah la samayno UDI, balse waxay naga codsadeen in aan E-mail kula soo xiriirno. Intaas kadib Ayaan u dirnay todobo su aalood oo aan rabnay in ay nooga jawaabaan si ay dadka soomaaliyeed ee arintan sida gaarka ah u khusayso aan u siino war sugan, Si kastaba waxay kasoo jawaabeen sadex su aalood, ayaga oo ka gaabsaday afartii kale. Su aalaha ay kasoo jawaabeene waa kuwan:

NorSomNews: Kan UDI forklare litt nærmere hvordan den nye instruksen skal påvirke borgere fra Somalia som har fått beskyttelse før den angitte datoen?

UDI-du faah-faahin dheeri ah managa siin kartaa sida go aankan cusub uu saameyn ugu yeelanayo, dadka ka yimid soomaaliya ee sharciga helay  kahor intaan aan lagaarin taariikhda meesha ku xusan(1-dii oktober 2014).

 

UDI: Hvordan vil det påvirke?  I saker der det «foreligger indikasjoner på at utlendingens behov for beskyttelse ikke lenger er til stede» (se pkt 3) vil UDI vurdere om tillatelsen skal tilbakekalles eller om personen fremdeles har et beskyttelsesbehov.

UDI: sida ay saameyn ugu yeelanayso: kiiska dadka laga shakisanyahay ama loo meelaynayo in baahidii magangalyo ee qofka ee meesha ka baxday, waxay UDI qiimeyn ku samayn doontaa in qofkaas sharciga lagala noqon karo ama in qofka uu wali u baahanyahay magangalyo.

 

NorSom News: Hvilke saker anser UDI som tvilsome saker? : waa kuwee kiisaska laga shakisanyahay?

 

UDI:   Tvilssaker er nettopp saker der det er indikasjoner på at utlendingens behov for beskyttelse ikke lenger er tilstede. Se forklaring under punkt 3.

– kiisaska laga shakisanyahay waxa weeye: kuwa loo malaynayo in baahidii magangalyo ee qofka ay meesha ka baxday. Fiiri qodobta 3-aad ee go aanka dowlada.

 

NorSom News: Mener UDI at Somalia er blitt tryggere sted nå, og borgere fra Somalia som har fått innvilget oppholdstillatelse før den datoen kan returneres tilbake til Somalia?

-UDI-du ma waxay leedahay soomaaliya hada waxa ay noqotay meel nabad ah, oo dadka ka yimid soomaaliya ee helay magangalyo kumeel gaar ah wixii ka horeeyay taariikhda meesha ku xusan in dib loogu celin karo wadankoodii.

UDI: Her er det viktig å presisere at det gjelder forholdene i Mogadishu og ikke Somalia generelt: UDI mener at forholdene i Mogadishu har bedret seg betydelig de siste årene. I desember 2012 endret UDI vår praksis om generelt vern mot Mogadishu, dvs at vi ikke lenger mener at «enhver står i reell fare for overgrep i Mogadishu». Etter 2012 har forholdene i Mogadishu blitt stadig bedre, og vi mener derfor at det er indikasjoner på at det er utlendinger fra Somalia som ikke lenger har et behov for beskyttelse mot retur til Mogadishu

-Waa muhiim in lagala saaro xaalka soomaaliya guud ahaan iyo kan magaalada Muqdisho. UDI-du waxay qabtaa in xaalka magaalada muqdisho uu wax badan iska badalay sanadyadii ugu danbeeyay. Desember 2012 ayaan badalney in aan dadka ku celin muqdisho. Micnaheeduna uu yahay in qof walbe uusan dhibaato kala kulmeen muqdisho. Maadaama uu xaalka muqdisho waxbadan soo fiicnaaday waxaan qabnaa in ay jiraan shakiyo ku aadan in dadka ajnabiga ee soomaaliya ka yimid aysan u baahneen magangalyo, sidaas darteed lagu celin karo wadankoodi.

 

UDI-du warkoodu waa cadyahay, waxa ayna rabaan in dadka somaliya ka yimid gaar ahaan caasimada ay kala noqdaan sharciga hadii laga shakiyo in qofku uusan u baahneyn magangalyo. 

  • Waraysiga xildhibaan Baashe Muuse

Intaas kadib ayaan waxaan waraysi la yeelanay xildhibaan baashe muuse oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee olso kana mid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ugu caansan dalka, bal si uu nooga xog waramo warkan naxdinta leh ee kusoo cusboonaaday jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey. Halkan ka daawo NorSom News oo shalay waraysi la yeelatay xildhibaan Baashe.

Baashe ayaa ka codsaday in madaxda soomaalida gaar ahaan madaxweyne Xasan Shiikh uu arinta soo faragaliyo, maadaama weedhiisu ay saameyn yeelan karto

 

  • La soco qaybta labaad ee baaritaankeena.

Qaybta labaad ee warbixintan waxaan ku wajihi doonaa kaalinta ay dowlada soomaaliya iyo wufuudii kala duwanayd ee imanaysay wadanka. Iyo sida ay suurtagal ku tahay praktili in qof soomaaliya dhibaato ugu soo cararey nolol iyo nabadna halkaan ku haysto in la celiyo. Nala socdo ayaamahan fooda nagu soo hayo.

  1. JUNI-2012 waxaa yimid wadanka Norwey wasiirkii hore ee arimaha gudaha dowladii Sheikh Shariif : Cabdisamad Macalin, iyo madaxa laanta socdaalka ee Somaliya General Cabdulaahi Gaafow..Shan bilood kadib waxaa soo baxday ee dadka soomaalida ah ee aan sharciga laheyn dib loogu celin karo wadankoodii.
  2. September 2014: waxaa Norwey yimid wafti uu hogaaminayo Reysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali sheikh Ahmed iyo wasiiro ka tirsan dowladiisii: Bil kadib waxaa soo baxay go aanka ah in ay UDI-du ay dhamaysey waxyaalihii u sahlayay inay dadka soomaaliyeed toos u celin karaan, gaar ahaana muqdisho.
  3. April 2015: Waxaa mar kale soo noqday: General Gaafow oo markan kaligiis ahTilbakekall

Qaybta labaad ee warbixintan waxaan ku eegi doonaa, waxa weedha iyo waranka kulmiyay. ama waxa isku beegay imaanshaha madaxda dowlada iyo go-aanada dowlada Norwey.

 

 

 

Hadii aad tahay qof ay ku dhacday arintan, ama garanaya cid kale oo ay ku dhacday, fadlan nala soo xiriir, oo e-mail noogu soo dir : Norsomnews gmail.com, noona soo raaci telefoonkaaga si aan xiriir kuula soo yeelanayo.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

5 Comments På "Dowlada Norwey oo bilaabaysa inay sharciyada kala noqoto soomaalida aan degenaanshaha qaadan."

Notify of
avatar
Sort by:   newest | oldest | most voted
trackback

[…] HALKAN KAAQRI IYADOO FAAHFAAHSAN […]

trackback

[…] Dowlada Norwey oo bilaabaysa inay sharciyada kala noqoto soomaalida aan degenaanshaha qaadan. […]

Abdikariim
Guest

Asc dhamaan shaqaalaha horseed media waad mahadsantihiiin sida aad mar walba ugu dhuun duleeshiin arimaha ku saabsan qoxoooontiga gaar ahaan dadkeena soomaalida su,aaal ayaaan qawaa 3da qodob ay quseenin arinkaan waxaa ka mid ah ayaa tiraahdeen qufka dacwada lagu keenay in ay quseenin arinkaan marka su,aasheeeyda wexee thy hadii qufka dacwada lagu keenay aysan weli qaadanin daganaashaha qufkii keenayne uusan weli qaadanin maqabanayaa arinka kii keenay iyo kan la keenayba 2badooda waad mahadsantihiiin jawaaab

trackback

[…] Halkan ka akhri warkii aan qorney 23-april-2016: Dowlada Norwey oo bilaabaysa inay sharciyada kala noqoto soomaalida aan degenaanshaha qaadan. […]

trackback

[…] Halkan ka akhri warkii aan qorney 23-april-2016: Dowlada Norwey oo bilaabaysa inay sharciyada kala noqoto soomaalida aan degenaanshaha qaadan. […]

wpDiscuz