torsdag, april 18, 2024

Banaanbax looga soo horjeedo barnevern-ka oo ka dhacay 20 wadan

Banaanbaxan oo si abaabulan isku mar uga dhacay 20 wadan oo caalamka ah ayaa looga soo horjeeday hab-dhaqanka hay-ada xanaanada caruurta ee barnevern-ka. waxaana arinta ka danbaysey markii ay shan caruur ka qaateen qoys kasoo jeeda Romania. Ilaa 50 000 qof oo kale ayaa saxiixday olole internetka ka socdo oo lagu codsanayo in caruurta loo celiyo qoyskii dhalay. Koox maafiyo oo u dhalatay wadanka Romania ayaa iyadna sheegtay inay gubi doonaan safaarada Norwey ee wadankaas, ama ay sameyn doonaan wax kasta oo ku aargudan karaan hadii aan loo soo celin caruurta waalidkooda

Sumcada hay-adan ay ku leedahay caalamka ayaa hoos u dhacday, sababtuna ay tahay hab dhaqankooda ku aadan qoysaska dhalay caruurta ay qaataan. Hay-adan oo asal ahaan loo aas-aasay inay caruurta waalidkooda dayacay xanaanayso ayaa markii danbe isku badashay hay-ad kala jabiso qoysas badan. Waxaa marar badan adag in la fahmo qiimayntooda iyo xeerka ay cuskanayaan marka ay qoys caruurta kala wareegayaan. Waxa oo kale oo lagu eedayaa in aysan tixgalin dadka aan u dhalan Norwey, kana dhaqan gadisan dadka u dhashay wadanka. 

Ma ahan markii ugu horeysay oo banaanbax sidan oo kale oo looga soo horjeedo barne-vernka oo ka dhaco meel ka baxsan wadanka. sanado kahor ayay ahayd markii ay banaanbax looga soo horjeedo barne-verka uu gilgilay Hindiya, Markii qoys u dhashay Hindiya oo shaqo u joogay Norwey lagala wareegay cunug ay dhaleen. Ugu danbeyn  wasaarada arimaha dibada Norwey iyo safaarada Norwey ee wadankaas ayaa ku qasbanaatay inay arinta soo faro-galiyaan si loo ilaaliyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada wadan. Shirkada Telenor ayaa suuq fiican waagaas ku haysatay Hindiya. ugu danbeyn ilmihii waxaa loo soo celiyay qoyskiisii, waxaana masuuliyadiisa loo dhiibay adeerkii.

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x